Musharax tanaasulay iyo wareegii Labaad ee doorashada Aqalka Sare ee Hirshabelle oo loo gudbay

Waxaa goordhow Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle lagu soo gaba-gabeeyay wareega koowaad ee doorashada kursigii ugu horreeyay ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto deegaanada Maamulkaas.

Doorashada kursiga koowaad ee Senatorada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamay Afar Musharax oo kala ah Muuse Suudi Yalaxow, Cabdullaahi Sheekh Xasan, Axamed Xuseen Caddow Daaci iyo Dr. Xasan Caddey Cali.

XAJI MUSE 51 COD. AXMED DAACI 28
C/LAHI SH XASAN 15. DR CADAAY 2
 Labo codna way halaabeen.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle C/xakiin Luqmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada isagoo shaaciyey in wareeg labaad ay ugudbeen seddexda murashax ugu codka badnaa, balse waxaa ka haray Cabdullahi Sheekh Xasan oo sheegay inuu tanaasulay.
Lacag badan ayaa lagu kala qaatay hoolka doorashada iyadoo kumanaan dollar xildhibaanada hirshabelle lagu siiyey waxaan wareega labaad iyana la filayaa in doorashada lagu kala bixi doono.