Musharax ‘tartan adag lageli lahaa’ Sambaloolshe oo musharaxnimadii iska casilay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaan hore Nuur Iidow Beyle ayaa ku dhawaaqay inuu  isaga haray u tartamida kursiga Hop#058 ee uu horey ugu fadhiyey, kaas oo ay deegaan doorashadiisu tahay Beledweyne.

Xildhibaan Nuur oo soo saaray qoraal kooban ayaa ku sheegay inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa kursigaasi oo maanta doorashadiisa la qabanayo.

“Anigoo ah xildhiban Noor Iidow Beyle waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo tartanka doorasho ee HOP58 ee 2022-2026 oo dhici doonta inshallah maalmaha soo socda,” ayuu yiri xildhibaanka oo qoraal kooban soo saaray.Waxaa sharaf ii aheyd in aan ku matalo uguna shaqeeyo guud ahaan somaliya gaar ahaan bulsha weynta ku nool gobolka hiiraan oo ahaa degaan doorashadeyda, Sidoo kale waxaan balan qaadayaa in aan la shaqeyn doono cid kasta oo ku soo baxda kursigaas. Mahadsanidiin” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Go’aanka lama filaan ah ee uu qaatay Xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan la shaaciyey guddiyada soo xulaya ergada kursiga Hop#058  iyada oo lasoo saaray odayaashii saxda ah ee beesha, waxaana la sheegay inuu isagu doonayey in loo xiro kursiga, isaga oo garab ka helaya Yuusuf Dabageed & kooxda Villa Soomaaliya walow haatan laga adkaaday.