Musharaxiinta Mucaaradka Iyo Xildhibaanada Federaalka Ee Somaliland Oo Kulan U Socda

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalad Muqdisho gaar ahaan Hotel Jaziira waxaa kulan xasaasi ah uga socda Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Kulanka oo uu shir guddoominayo Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo tabashooyinka ay Xildhibaanada ka qabaan Guddiyada Doorashooyinka ee la magacaabay.

Sidoo kale waxaa kulanka ka qeyb galaya siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, isla markaana ku sugan Magaalada Muqdisho, iyagoona siweyn uga soo horjeeda Guddiyada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee dowladda magacaawday.

Kulanka haatan u socda Musharaxiinta iyo Xildhibaanada ayaa waxaa uu kamid yahay kulamada joogtada ah ee Midowga Musharixiinta uga arinsanayaan caqabadaha ku hor gudban doorasho loo dhan yahay oo dalka ka dhacda.