Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Golaha Shacabka oo hal arrin laga mamnuucay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa qoraal uu soosaaray waxa uu Musharixiinta kuraasta Golaha Shacabka uga digay in ay wajiya dabooshaan waqtiga Doorashadu socoto.

Qoraalka Guddiga ayaa intaas lagu daray in aanay la aqbali doonin waji daboolashada oo dhalisay shaki la xiriira garashada qofka tartama sidaas awgeed musharixii lagu arko tallaabo uu guddiga ka qaadayo.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu ku war galinayaa musharixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee dalka oo dhan in aan la aqbali doonin in musharax ku jira tartanka uu qariyo wajigiisa, si loo ilaaliyo daahfurnaanta doorashada dalka, Mahadsanidiin” ayaa lagu yiri qoraalka kooban uu Guddigu soosaaray.

Doorashada kursigii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka tirsigiisuna yahay HOP#239 waxaa ka dhashay muran la xiriira musharaxa la tartamay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo jirkeeda soo dahaartay.

Guddiga Doorashada Gobollada Waqooyi (Somaliland) & kan Federaalka ayaa horay usoo saaray awaamiir ah in Ergada Dooraneysa Xildhibaannada aanay jirkooda daboolin si aan loo aqoonsan balse ma suuragelin arrintaas.