Musharrax Daahir Geelle oo cadeeyay mowqifkiisa dib u dhisigta doorashooyinka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Musharrax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa noqday musharrixii ugu horreeyay ee cadeeya mowqifkiisa ku aadan go’aanka Golaha wadatashiga ay dib ugu dhigeen dhameystirka doorashooyinka lagana dhigay in la dhameeyo 15 Bisha Maarso.

Musharraxa oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in mudadii horay loogu qabtay doorashooyinka oo aheyd 25 Bishaan oo Maanta ah ka soke la dhameyn karay balse meelaha qaar, iyada oo doorasho la qaban karay la joojiyay.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in doorashada oo la dedejiyaa ay dalka jib4yn karto, isaga oo sheegay in hadda dalka uu kujiro xaalad adag oo looga gudbi lahaa hadii la helo iabedel Maamul oo dalka ka dhaca.