Muslimiinta caalamka oo maanta u dabaal degaya Munaasabadda Ciidul Adxaa

Dadyowga Islaamka oo ku kala sugan dalalka caalamka ayaa si weyn ugu dabaal degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa oo maanta ku beegan.

Maanta oo ah maalinka Tobonaad ee Bisha Carafo ayaa guud ahaan Muslimiinta ay u tahay maalin ay ku ciidayaan farxad.

Dadyowga Islaamka ayaa subaxa hore ee maanta isugu imaaday Masaajidada iyo Garoomadda waa weyn, si ay u tukadaan Labada Rakacadood ee Salaada Ciidul Adxaa.

Shacabka muslimiinta ah ayaa isugu hambalyeynaya maalintan qiimaha badan, waxaana qaarkood ay isku booqanayaan guryaha, si ay muujiyaan farxada Ciidul Adxaa.

Magaalda Muqdisho ayaa sidookale maanta si aad ah loogu ciiday, waxaana goordhow la dukaday Salaada iyadoo dadka isugu hambalyeynayaan farxada ciida.

Malaayiin Xujey ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa shalay istaagay Banka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan Xajka.