Muuqaal muujinaya in Madaxweynaha South Sudan isku kaadiyay oo la baahiyey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kooxaha u dooda xuquuqda saxaafadda ayaa sheegay in Lix wariye oo ku sugan South Sudan loo xiray faafinta muuqaalladii u muuqday inay muujinayaan madaxweyne Salva Kiir oo ay surwaalkiisa qoysay wax kaadi u muuqday xilli uu ku sugnaa meel fagaare ah oo ay ku wehlinayeen mas’uuliyiin kale iyo warbaahinta.

Bishii Disembar, muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa u muuqday mid muujinaya Mr Kiir oo isku kaadiyay, iyadoo heesta calanka la qaaday. Lix ka mid ah shaqaalaha warbaahinta dowladda ayaa la xiray toddobaadkan.

Guddiga Difaaca Saxafiyiinta ee (CPJ) ayaa hadda ku baaqaya in la sii daayo weriyeyaasha.

Patrick Oyet, oo ah madaxa ururka saxafiyiinta South Sudan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in saxafiyiinta “looga shakisan yahay inay wax ka ogaayeen sida uu u soo baxay muuqaalka madaxweynaha oo sarwaalkiisa qoyan yahay “.

Warbaahinta South Sudan ayaa sheegtay in muuqaalkan aan marnaba si toos ah la baahin balse ay u muuqato in la dusiyay.

Xarigga weriyaasha wuxuu la mid yahay “qaabka ay shaqaalaha ammaanku u adeegsadaan xarig aan loo meel dayin mar kasta oo ay mas’uuliyiintu u arkaan in la sheegay war aan dhankooda ka wanaagsanayn”, ayuu yiri wakiilka CPJ ee Afrikada Saxaraha ka hooseeysa, Muthoki Mumo, isagoo ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo.

Wasiirka Warfaafinta ee South Sudan, Michael Makuei oo la hadlay Idaacadda Codka Mareykanka ayaa sheegay in dadka ay sugaan si ay u ogaadaan sababta loo xiray Wariyeyaasha.

Salva Kiir oo 71 jir ah ayaa fadeexad kala kulmay dhacdadaas oo ku beegantay isagoo ay kaamirada heyso, si toos ahna looga daawanayo telefishinka.

Kaamiro uu si toos ah ugu beegnaa ayaa qabatay qoyaanka kasoo baxay surwaalka, wax yar ka dibna madaxweynaha ayaa hoos u fiiriyay lugihiisa ka hor inta aan laga wareejin kaamirada.

Warbaahinta Sahara ayaa tebisay in Madaxweynaha uu la xanuunsanaa caabuq dhinaca kaadida ah oo sababay in ay kasoo daadato.

Salva Kiir ayaa Suudaanta Koonfureed madaxweyne ka ahaa tan iyo markii ay madaxbannaanida qaateen sanadkii 2011.