Muuse Biixi iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo dib ugu laabtay Hargeysa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha Ethiopia, ayaa kasoo degay gegida diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport, waxana halkaas kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka  Somaliland, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada, salaadiin, siyaasiyiin iyo xubno xukuumadda katirsan.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo ayaa safarka shaqo ugu maqnaa dalka Ethiopia.

Madaxweynaha ayaa dalka Itoobiya waxaa uu kulamo kala duwan kula soo qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Itoobiya, waxaa Martiqaad rasmi ah uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha.