Muuse Biixi oo ka hadlay khilaafka la xiiriira doorashooyinka Somaliland

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxdweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xisbiyada muraacadka ah ay tuhunsan yihiin inuu muddo xileedka dheeraysan rabo, balse aanu taa sharci u haysan.

Isagoo xalay magaalada Ceerigaabo kula hadlay waxgaradka iyo madaxda dhaqanka gobolka Sanaag, ayaa Madaxweynhuhu waxa uu sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada ka dhalatay dibedbixii 9-kii June ka dhacay Hargeysa.

Waxa uu ka warramay sababta keentay in xukuumaddiisa ay mucaaradka u oggolaan weydo inay qabsadaan mudaharaad nabdoon, sida ay ku doodeen hogaamiyayaasha labada xisbi mucaarad.

“Waraaq wargelin ah ayay soo qoreen, waxaa la yiri isu-key keena, wayna ka xanaaqeen oo waxba nooma oggola oo way na meer-meerinayaan bay dhaheen. Dhibaato aynaan u baahnayn baa ka dhacday. Hadday dad ku dhaawacmeen, hadday xarig tahay, hadday buuq tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay awood xad dhaaf ah u adeegsadeen taageerayaashiisa dibedbaxayay, ilaa haatanna ay xiran yihiin mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa sheegay inuu diyaar u yahay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka taagan, isagoo intaa raaciyay in dunida ay caadi ka tahay in la isku maan-dhaafo arrimaha doorashada.