Muuse biixi oo si layaab leh uga hadlay dadkii laga soo masaafuriyay Laascaanood.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhaleeceeyay Qaramada Midoobay warbixin ay dhawaan soo saartay Hay’adda QM ee OCHA oo ay ku sheegtay Tirada dadka sida qasabka ah Somaliland uga soo masaafurisay Magaalada  Laascaanood.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in Warbixinta ay soo saartay Hay’adda QM ee OCHA oo ay ku sheegtay in dadka laga soo saaray Laascaanood iyo nawaaxigeeda ay haatan gaareen 7,250 qof aysan wax dan u aheyn Warbixintaas dadka Laascaanood laga raray.

Muuse Biixi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Warbixinta OCHA, wuuxuna sheegay Madaxweynaha in Qaramada Midoobay ay ceeb ku tahay in lacag ku raadiso dadkii la masaafuriyay oo uu xusay in Hay’adda OCHA aaneyn gargaar u sameeyn dadkaas.

Dhanka kale Muuse Biixi waxaa uu ka hadlay ergadii dhawaan ku doortay Muqdisho Xildhibaanada aqalka sare ee kasoo jeeda gobollada wuqooyi.

Biixi oo maanta ka hadlay munaasabad lagu xusayey maalinta mujaahidiinta SNM ayuu sheegay in ergadii xamar doorashada ka qeyb galay dhawaan aysan ogeyn waxay ahaayeen ruuxaan ama jin sida uu hadlaka u dhigay.

Waxa uu ugu baaqay shacabka reer soomaaliland inay ka dhiidhiyaan wax kasta oo magacooda meelo kale uga qeyb qaataan iyagoo siyaasad raadinaya.

Weerar afka ah ayuu ku qaaday madaxweyne biixi siyaasiyiinta xilka usoo raadsaday magaalada muqdisho kuna sheegay inay yihiin mid aan soomaaliland meteli karaan.