Muuse Biixi Oo Soo Farageliyey Khilaafka Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo xubnaha mucaaridka ahba inay faraha kala baxaan arrimaha masiiriga ah ee Somaliland, isaga oo farriimona u diray shaqsiyaadka Somaliland kasoo jeeda ee halkaas xilalka u doonanaya.

Madaxweynuhu waxa uu gef iyo deelqaaf cad ku tilmaamay in madaxda iyo mucaaridka Muqdisho isku raacsan yihiin in dad Banaadir ka dhex xoogsada lagu ay noqdaan Baarlamaan metela dadka reer Somaliland.

,“Midowga mucaaridka ah ee Muqdisho jooga iyo madaxweynahooda iyo gobolladooda mid baan u dirayaa, haddii aynnu soomaali nahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dawladood inaga dhigtaye col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quudhaysaan,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Muuse Biixi wuxuu sidoo kale sheegay in dadka adeegsanayo magaca Somaliland ee xilka xildhibaanimo ka raadsado Soomaaliya aanay iyagu matalin, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Halkanba Jaaliyad reer Soomaaliya ahi way joogtaa, laakiin arrimaha siyaasadda Somaliland masoo galaan, sababta aad qaranka Somaliland oo aad ogtihiin inaynu soddon sano kala maqnayn, kuwa tegeyna ee shaqo-tegeyna waxa ay lamid yihiin jaaliyadda Kiiniya joogta, ta Addis Ababa joogta, ta Jabuuti joogta iyo ta London joogta, haddii ay ka shaqaysanayaanna dalkooda uun bay usoo shaqaysanayaan, kuwaada ugu waaweyn ee ugu shaqada badanina, iyaga oo halkaas (Muqdisho) jooga oo Baarlamaan iyo wasiir baannu nahay leh bay halkanna (Somaliland) daaraha kasoo dhistaan.”ayuu yiri mar kale Muuse Biixi.