Muuse Biixi “Soomaaliya waa dowladda keliya ee adduunka aqoonsigeena kasoo horjeedda”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xukuumadiisa ay mudnaanta kowaad siin doonto sidii ay Soomaaliland aqoonsi u heli lahayd.

Mr Biixi oo xalay ka hadlayay xaflad lagu xusayay sanad- guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Somaliland ayaa sheegay in muddada ay doonto ha ku qaadatee ay ku dadaali doona hellidda ictiraaf.

„Yoolkeena kowaad waa ictiraaf inaanu helno oo uu noqdo Somaliland qaran jira oo qeyrkii wax la qeybsada golayaasha caalamiga ah oo aysan cidina matali karin, waqti kasta ha nagu kacdo,qiima ay doonto ha noogu kacdo, dhiigii loo soo daadiyay mid ka badan ayaanu u daadinaynaa hadii ictiraafka loo baahdo,” ayuu yiri madaxwayne Biixi

“ Waa nasiib darro waa cadaawad aan meel loo dayin, Somaliland hadaan nahay waxaanu leenahay war anaga soomali iska dhaafee Adduunkoo dhan ayaan ka rabnaa in nabad lagu wada noolaado, balse Soomaali  waxaa noo kala soocan danaheena ayuu yiri” Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatooyinkii lo geystay Shacabka Somaaliland aysan u heysan cid gooni ah, balse ay mas’uul ka aheyd dowladdaii uu hoggaaminayay Kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre waa sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Madaweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kusoo aadaya xilli Afartii sano ee uu talada haayay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aan wax wada-hadal natiijo laga gaaray aysan yeelan dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland oo aaminsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.