Muuse Geele oo war kasoo saaray qorshe la sheegay in guddiga fulin rabay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayey warar sheegaya in Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay qorsheeynayeen inay fasaxaan Kursiga Hop#086 oo uu kusoo baxay Fahad Yaasiin ayaa waxaa Arrintaasi ka hadlay Guddoomiyihii Guddiga Muuse Geelle Yuusuf.

Guddoomiye Muuse Geelle ayaa marka hore soo dhoweeyay go’aankii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu xalay ku kala diray guddigii dooashada dad banaa ee qabtay doorashada Xildhibaannada labada Aqal, wuxuuna beeniyay fasaxida kursiga muranka uu ka taagnaa ee HOP086 uu kuso baxay Fahad Yaasiin.

”Kursigaas Beel baa leh ayadaana u tashanaysa majiraan wax siidayn ah oo aan sheegnay, waa been iyo dacaayad” Muuse Geele Guddoomiyihi hore Guddiga Doorashooyinka Dadban” ayuu yiri Geele.

Geelle ayaa sheegay uusan jirin wax shaqo ah oo u harsanaa Guddiga isla markaana Shaqadoodabay ku ekeyd , markii ay dhammaatay doorashadii Xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, hayeeshee kursigaas reerka iska leh ay ka tashanayaan.