Muuse Suudi oo noqday Senatorkii ugu horreeyay ee ka soo baxa HirShabeelle

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ayaa noqday Senatorkii ugu horreeyay ee ka soo baxa HirShabeelle kadib tartan adag oo galabta ka dhacay Jowhar.

Senator Muuse Suudi ayaa wareegga 3-aad kaga guuleestay Axmed Daaci. Muqdisho iyo Jowhar waxaa ka socda dabaal dag u badan rasaas kor loo ridayo.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa Muuse Suudi Yalaxow u doortay inuu mar kale kamid noqdo Senatorada Aqalka Sare ee Maamulkaas ku metelaya Baarlamaanka Federaalka, wuxuuna helay codad gaaraya ilaa iyo 55 Cod, halka Axmed Daaci uu helay 43 Cod.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar, wuxuuna shaaciyay in Muuse Suudi uu ku guuleystay kursigii ugu horreeyay Aqalka Sare ee Hirshabeelle.