Muwaadiiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay xadka Rwanda iyo Congo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka imaanaya xaduuda ay wadaagaan dalalka Congo iyo Rwanda ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay laba Muwaadin oo Soomaali ah, islamarkaana laga gubay gaari nooca Xamuulka qaada oo ay wateen labada Muwaadin.

Labadaan muwaadin ee la dilay, lana gubay gaariga ay wateen ee Xamuulka ahaa ayaa la sheegay iney ka safreen wadanka Kenya, islamarkaana ay ka shaqeysan jireen dalalka Kenya, Ugandha, Rwanda iyo Congo.

Falka lagu dilay labada Muwaadin ee Soomaalida ah, laguna gubay gaarigii ay wateen ayaa waxaa la sheegay inay geysteen Kooxo Burcad ah oo inta badan dhibaatooyin u geysta dadka iyo gaadiidka ku safra wadada u dhaxeeysa xadka ay wadaagaan dalalka Rwanda iyo Congo.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dowladaha dalalka Rwanda iyo Congo ee ku aadan dhacdadaan lagu dilay miaaadiniinta Soomaaliyeed ee hadana lagu sii gubay gaarigii ay wateen, waxaana horay u jirtay in wadadaasi sidaan oo kale loogu dilay rag u dhashay qaar kamid ah wadamada Afrika oo sidaan oo kale ugu safraayay xadka ay wadaagaan labada dal ee Rwanda iyo Congo.