Muwaadin Somaaliyeed oo lagu toogtay dalka Mareykanka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Booliska magaaladda Phoenix ee dalka Mareykanka ayaa toogasho ku dilay nin Soomaali ah oo dhagaxaan ku tuuray baabuur ay wateen ciidamada booliska, sida ay Warbaahinta u sheegeen ehellada Muwaadinka Soomaaliyeed.

Alle u naxariistee Cali Cismaan oo ah 34 jir Soomaali ah oo ku noolaa magaaladda Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayay booliska magaaladda Phoenix sheegeen in uu dhagaxaan ku tuuray baabuur ay wateen ciidamada booliska , kaddibna Askari la socday baabuurka uu tootay.

Askariga toogtay Cali Cismaan ayaa la sheegay in uu dhowr xabadood ku dhuftay, kaddibna Cali oo dhaawac halis ah oo aad u xun oo gaaray loola cararay isbitaalka, halkaasi oo uu ugu geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Qoyska Marxuum Cali ayaa warbaahinta u sheegay in uu Allaha u naxariisto ee Cali uu la tacaalayay xanuunka dhimirka. Isla markaana uusan lahayn wax dambi ah, iyaga oo Booliska Mareykanka ka dalbaday inay magdhow ka siiyaan.

Booliiska magaaladda Phoenix ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in uu socdo baaritaan la xiriira dilka loo geystay ninka Soomaaliga ah, waxaana falkaan ka carooday bulshadda Soomiyeed iyo qaar kamid ah jaaliyaddaha kala duwan ee ku dhaqan magaaladda Phoenix, gaar ahaan kuwa laga tiro baddan yahay ee Madowga iyo Muslimiinta ah.