Muwaadin Soomaaliyeed oo ku geeriyooday Shil ka dhacay Koonfur Afrika

MUQDISHO-AYAAMAHA-Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa u Geeriyooday gaari dardaray (jiiray)  xilli ay ceyrsanayeen Rag hubeysan oo Burcad ah Gobalka Eastern Cape oo ku yaalla Dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxman Xasan oo ku magac dheeraa (Carab Xasan) ayaa gaari uu ku dilay wadada R75 ee isku xirta Magaalooyinka Despatch iyo Port Elizabeth.

Warar la helay ayaa sheegaya in muwaadinka geeriyooday uu ka cararay rag hubeysan oo rabay in ay dhacaan gaari uu lahaa oo noociisu ahaa Quantum waliba nooca panel van, sida uu sheegay qof kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in darawalkii waday Gaariga oo Soomaali ahaabuu wacay ehellada marxuumka, taas oo keentay inay meydka goobta ka qaadaan.