Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika waxaa xalay lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Maxamuud Caajis.

Dabley hubeysan ayaa toban xabadood ku dhufteen marxuumka, iyagoona goobta ka baxsaday, waxaana lagu dilay deegaanka Durbanville oo hoos yimaado Magaalada Cape Town.

Allaha u naxariistee Cabduqaadir ayaa si arxaan daro ah loo dilay, waxaana la sheegay in toban xabadood lagu dhuftay taas oo sababtay inuu goobta ku geeriyoodo.

Inta badan dalka Koonfur Afrika waxaa lagu dilaa muwaadidiinta Soomaalida, ayagoo goobtooda ganacsi jooga, mana jirto cid ka dhiidhisay geerida tira badan Soomaalida lagu beegsanayo.