Muxu yahay qorshaha Itoobiya billawday ee dib loogu dooranayo  Farmaajo?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Safiirka Itoobiya ufadhiya Soomaaliya danjire Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa waxay maanta gaareen Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Bay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Lafta gareen oo kulan gaar ah la qaatay Wafdigaasi ayaa sheegay in arimaha doorashooyinka iyo Amniga sugitaankiisa ay ballan qaadeen Dawlada Itoobiya inay ka taageeri doonaan.

Sidoo kale Ambassador C/fitaax Sheekh Cabdullaahi ayaa ku bogaadiyey Dawlad gobolleedka Koonfur Galbeed sida ay uqabteen doorashadii Aqalka sare una rajeeyey Kuraasta Golaha Shacabka inay si nabad gelyo iyo buuq la’aan ah ku qabtaan.

Itoobiya ayaa saaxiib dhaw la ah Hogaanka Dawlada Soomaaliya si gaar ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyadoo markaan dooneysa sidii dib xukunka loogu soo celin lahaa.

Xukuumada adis ababa ayaa dooneysa in Xildhibaanada ugu badan ee golaha Shacabka oo ka imaanaya Koonfur galbeed deegaanadeeda inay dhaqaale badan ku bixiso sidii ay codkooda ugu taageeri lahaayeen dib usoo doorashada Farmaajo.