Muxuu ku saabsan yahay heshiiska ay gaareen Maamulka Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Mas’uuliyiin ka kala socotay Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Galdogob waxa ay ugaga hadleen arrimo ay ka mid yihiin wadashaqeynta Amniga, ganacsiga, cashuuraha iyo xoojinta iskaashiga Puntland iyo Dowlad Deeganka Soomaalida Itoobiya.

Shirkan waxa ka qayb galay madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga ,maamulka gobolka Mudug iyo Hay’adaha amniga gobolka Mudug, halka dhanka DDS Itoobiya u matalaayeen Guddoomiyaha gobolka Doollo, guddoomiyayaashii degmooyinka Bookh, Galxamur, Galaadi,Danood iyo hay’adaha amniga ee gobolka.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada-hadlay, isla-markaana diiradda u saaray wada-shaqeynta amniga, ganacsiga, cashuuraha iyo xoojinta iskaashiga Puntland iyo DDS.

Labada maamul ayaa ku heshiiyey in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada iyo falalka kale ee lidka ku ah amniga labada dhinac .

Sidoo kale waxaa heshiiskan qeyb ka ah in si isku mid ah looga hortego deegaameynta cusub xadka ay wadaagaan labada maamul & in la joojiyo xaalufinta dhirta.

Guddiyada ka socday labada dhinac ayaa sidoo kale is afgarad ka gaaray iskaahsiga ilaalinta canshuuraha iyo arrimaha dakhliga gudaha.