Muxuu ku saabsan yahay heshiiska cusub ee Somalia iyo Itoobiya ku kala saxiixdeen Muqdisho?

MUQDISH AYAAMAHA Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo dhiggiisa Dalka Ethiopia, Mudane Dekeme Mekonnen Hassan ayaa goobjoog ka ahaan heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna Mr Jaamac xusay in muhiima gaar ah u leedahay iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, amniga iyo la dagaallanka al-shabaab

Sidookale xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay nuxurka heshiiska ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

” Shirka maanta waxaa lagu saxiixay labo waxyaabood, heshiiska koowaad waa heshiis ganacsi oo u dhaxeeyo Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, sidoo kale waxaa la saxiixay (Minute agreementa) ama wada xaajoodkii siyaasadeed ee maanta halkan ku soo idlaaday ayaa la wada saxiixay, runtii waxaan rejeyneynaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka faa’idi doonaan boqol iyo kontonka milyan ee shacabka Ethiopia, sidoo kale, allaabo badan oo Soomaaliya ay leedahay ayaa loo iib-geyn doono Dalka Ethiopia, waxyaabaha hadda anaga aan leenahay oo faa’idada inoo leh waxay tahay Kalluunka oo dalka Ethiopia loo iib-geyn doono,” ayuu yiri xoghaye Xamsa oo shir jiraa’idka qabtay heshiiska ka dib.

Heshiiskaan oo shalay ka dhacay Muqdisho ayaa la filayaa in bilaha soo socda la dhaqan geluyo.