Muxuu ku saabsan yahay heshiiska cusub ee Somalia iyo Shiinaha?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo is-afgarad, kaasi oo ku saabsan dayactirka iyo qalabeynta Tiyaatarka qaranka, Radio Muqdisho iyo wakaaladda wararka SONNA.

Munaasabadda heshiiska lagu saxiixayay oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa heeso luuqadda Shiinaha ah ka soo jeediyay fanaaniinta Waaberi.

Wasiirka warfaafinta oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskan uu bilow u yahay wada shaqeyn balaaran oo mustaqbalka ah oo dhex mari doonta Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo xusay in waxyaabaha is-af-garadkan quseeya ay yihiin dayactirka qaar kamid ah waaxiyaha wasaaradda sida; Radio Muqdisho, Tiyaatarka iyo SONNA.

“Runtii heshiiskan waa bilow fiican u ah dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya, mashaariicdu ma ahan wax aad u waa weyn waa wax afka qalaad lagu yiraahdo Pilot projects oo ah mashaariic yaryar oo tijaabo ah oo la xiriira dayactirka Tiyaatarka, Radio Muqdisho iyo arrimo ku saabsan SONNA,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Tiyaatarka Qaranka waxaa dhisay dowladda Shiinaha sanadkii 1965 ka dib burburkii dalka ka dhacay waxaa dowladda federaalka Soomaaliya barnaamijka is-xilqaan ku dhistay 2019.