Muxuu Ku Saabsan Yahay Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Deni?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Garowe ayaa waxaa la filayaa manata in uu kulan la yeesho Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Ra’iisul wasaaraha ayaa isku dayaya inuu xal u helo khilaafka ka taagan habka loo fulinayo doorashada dadban ee ay madaxda dalku ku heshiiyeen.

Illaa hadda ma ay jirto wax kulan ah oo arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee cakiran ay ka yeesheen ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Puntland.

Hasayeeshee qorshuhu waxa uu yahay in maanta kulan ay albaabada u xiran yihiin ay dhinacyadu yeeshaan.

Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo ururrada bulshada rayidka ee Puntland, si uu wax uga waydiiyo doorashada dadban ee uu dalku galayo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa in maalmo uu ku qaadan doono magaalada Garowe, iyadoo aanan la saadaalin karin halka ay arrini ku biyo-shuban doonto.

Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaanan weli soo gudbin xubnihii doorashada ee heer federaal iyo heer mamaul gobaleed, arrintaas oo dib u dhigtay hannaankii doorashooyinka baarlamaaniga ee horraantii bishan bilaaban lahaa.