Muxuu Ku Saabsan Yahay Safar Muusa Biixi Ee Nairobi?

NAIROBI-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Nairobiu oo ay oga billaabatay booqasho rasmi ah.

Sida lagu qoray bogga Twitter-ka ee wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Kenya, madaxweyne Biixi ayaa Isniinta la kulmi doono madaxweynaha Kenya, Uhuru kenyatta.

Ababu Namwamba oo ah xubin sare oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo soo dhoweeyay Madaxweyne Biixi wuxuu yiri: “Mudane Muusa Cabdi wuxuu Isniinta wadahadal la yeelan doonaa Mudane madaxweyne Uhuru Kenyatta. Waxay ka wadahadli doonaan danaha ay wadaagaan”, ayaa lagu qoray barta Twitter-ka.

Masuuliyiinta kale ee soo garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay madaxweynaha Somaliland waxaa ka mid ahaa wasiirro uu ku jiro midka wasaaradda ganacsiga Kenya.

Booqashada Muusa Biixi waxay ku soo aadeysaa xilli uu aad u sii xumaanayo xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Bishii la soo dhaafay war qoraal ahaa oo ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiirkii u fadhiyay Nairobi looga yeeray Muqdisho, halka midkii Kenya ee Soomaaliya na lagu amray in uu dalkiisa dib ugu noqdo si uu wadatashi ula soo yeesho dowladdiisa.

“Dawladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa go’aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda Qaran, ka dib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland,” ayaa lagu sheegay qoraalkaas.