Muxuu ku saabsan yahay safarka madaxweynaha Puntland ee Muqdisho?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa maanta kusoo wajaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, isagoo shirar gaar gaar ah ku gali doono xarunta gobolka Banaadir.

Wararka waxa ay sheegayaan in madaxweyne Deni uu la kulmi doono madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo ka wada hadlaya xalinta mad madow maalmahan soo shaac baxay oo u dhexeeya dowladda iyo maamulka Puntland iyo sidii Deni looga tala gelin lahaa magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka booliska.

Wararka ayaa intaasi kusio daraya inuu madaxweyne Deni inta uu caasimadda joogo la kulmayo safiirada qaar ee beesha caalamka iyo sidoo kale saraakiil Ameerikaan ah.

Safarkan deg dega ah ee madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaya xili shalay deegaanada Puntland loo diiday wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimilada ee dowladda Soomaaliya Marwo Khadiija Al-Makhsuumi, waxaana amarkaas la sheegay inuu bixiyay madaxweynah Puntland.

Deni ayaa la sheegay inuu si aad ah u weeraray madaxweyne Xasan Sheekh intii uu socday shirkii golaha wasiirada Puntland ee Khamiistii, lama oga in safarkan deg dega ah ay arrintaasi ka dhalatay iyo inkale.