Muxuu ku saabsan yahay shirka uu cilaamiyey Ra’iisul Wasaare Rooble?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu qabto shir uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kaas oo looga hadli doono caqabadaha horyaala dowladda cusub ee imaan doonta marka ay dhacdo Doorashada.

Hay’adaha Qaramada Midoobay, Ururada Bulshada Rayidka iyo Qubaro ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay in shirkan ay ka qeybgali doonaan, waxaana lagu gorfeyn doonaan dhibaatooyinka ku gedaamin doorashooyinka iyo xaalada dalka uu marayo.

Shirkan ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roible & Mas’uuliyiinta kale waxaana la filayaa inay ay uga hadlayaan xaaladda dalka & Arrimaha doorashooyinka iyo arrimaha amniga.