Muxuu Mukhtaar Roobow kaga duwan yahay wasiirada kale ?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiir Mukhtaar Roobow, waxaa la ii xaqiijiyay in uu yahay qof aad ugu dhega nugul madaxda qaranka ee xilka wasiirka u idmatay, waxaana la sheegaa in uu si dhow ra’iisul wasaarihiisa uu ula wadaago xogaha la xariira wasaaradda.

Roobow, oo ka yimid dhanka kooxda AS ayaa la sheegaa in uu yahay qof aad u dhowro kala saraynta maamulka iyo wada shaqaynta malahana waa in uu yahay qof aragti ahaan daacinimada ay saacideyso.

Dhowr sheeko oo xogta sheekhan ku aadan oo aan helay waxa ay muujinayaan in uu yahay qof aad iskaga ilaaliyo laaluushka iyo wax isdaba marinta.

Hadda waxaa dulwuhan marxalad adag oo lagu ogaan doono taasi oo ah maaraynta Xajka oo ka mid ah irdaha musuq ee sanadkiiba mar soo marto wasaaraddan cidda hogaanka u ah.

Kol sii horeysay waxaa la ii sheegay in la’isku dayay in lagala macaamilo lana siiyo lacag xooggan si looga helo arinta Xajka waase uu diiday sida qof xog ogaal ah uu ii xajiiqiyay.

Tartanka Xajka ayaa laga yaabaa in laga dhigo hanaanka onlineka ah oo laga dhowro gqcmaha dadka in ay wax is dhaafsadaan.

In kastoo wasiir Mukhtaar Roobow u walaakiis ku soo daray guddiga haddana xogta aan haayo wasiirka ma’ahan ruux aad ugu jajaban dhankaas.

Wadaadkan, qunyar socodka ah ayaa leh taariilh wajiyp kala duwan ah waxaase hadda loo hayaa wasiirka Xabsiga to Wasiirka.

Maalintii lagu dhawaaqayay golaha wasiirada waxaan joogay xafiiska RW Xamse waxaa qof aad u yaqaan hab-maamuuska uu i weydiiyay Roobow baratakool ahaan sidii loo soo dhaweyn doonaa maadaama uu yahay maxbuus ka soo baxaya xabsi..