Muxuu noqon karaa go’aanka Maxkamadda ICJ ee maanta lafilayo?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta oo talaado ah la filayaa in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ inay ku dhawaaqdo natiijada kiiska dacwadda Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Kiiska muranka Badda ee Somalia iyo Kenya ayaa soo billowday sanadkii 2014-kii xilligaas oo Somalia ay kiiska dacwadda Maxkamadda geeysay, waxaana uu soo jiitamayay muddo 7 Sano ah, iyada oo dowladda Kenya ay maalmo ka hor sheegtay in aysan u hoggaansami doonin go’aan kastanoo kasoo baxa Maxkamadda.

Maxkamadda ICJ ayaa si rasmi ah u shaacisay in Maanta oo Talaada ah ay go’aan ka gaari doonto Kiiska Badda, isla markaana ku dhawaaqi doono saacadu marka ay tahay 3:00 Galabnimo, waxaana Xarunta Maxkamadda ICJ ee Magaalada Hagua ku sugan Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar).

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inuu aad ugu rajo wayn yahay inay Soomaaliya Guulaysan doonto.

“Waxaan ku niyad samahay in àan guulaysanayno haddii alle idmo” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka  Sulleymaan Maxamed Maxamuud”

Go’aanka Maxkamada ayaa noqon karaa mid guul usoo hooya Soomaalida, Kenya-na ay niyada jab ku ridi doono maadaamaa ay sheegaynay Bad iyadu aysan laheyn.