Muxuu Ra’iisul Wasaare Rooble kusoo arkay Dekada Kismaayo?

KISMAAYO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kormeer ku tagay Dekeda Kismaayo oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Rooble oo uu wehliyay Madaxweynaha Jubbaland iyo qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda Federaalka ayaa u kuur galay habsami u socodka howlaha Dekeda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta socdaal ku tegay Caasimadda KMG ah ee Jubbaland, waxaana halkaas siweyn ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka safarkiisa ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta, isagoona dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada Jubbaland.