Muxuu Ra’iisul wasaare Rooble u diiday ka qeyb galinka casho sharaf uu Madaxweyne Farmaajo sameeyey?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa mar kale soo shaac baxay khilaafka madaxweyne farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble uu la sheegay in si toos ah u soo shaac baxay.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaan fiidnimadii Khamiistii ka baaqday oo aan qeyb galin casho sharaf uu madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday u sameeyey mas’uuliyiinta Turkishka ee ku sugan Muqdisho, xilli loo dabaal-degayey sannad-guuradii 10-aad ee kasoo wareegtay iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga.

Rooble oo safar uu ku aaday dalka Masar kasoo noqday subaxnimadii Khamiista ayaa, sida aan xogta ku helnay, iska diiday inuu ka qeybgalo xafladda sababo loo maleenayo inay xiriir la leedahay khilaafkii soo kala dhex galay labada mas’uul.

Dhacdadaan ayaa muujineysa xiriirka sii xumaanaya ee Farmaajo iyo Rooble, xitaa iyadoo dalku isku diyaarinayo qabashada cod-bixinta baarlamaanka, waxayna tani saameyn ku yeelan kartaa rajada dib u doorasho ee Farmaajo.