MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Camar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa kulan ku yeeshay xarunta Xarunta dowladda hoose ee Xamar.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoimiyaha Gobolka Banaadir ayaa looga hadlay kulanka Ra’iisul wasaaraha iyi Guddoomiyaha.
“Waxaa maanta xafiiska igu soo booqday Ra’isul wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo aan uga warbixiyay howlaha kala duwan oo uu maamulka gobolka Banaadir iyo dowlada hoose Xamar ka wado Caasimadda, iyo sidoo kale mashaariicda kala duwan ee la fuliyay” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qoraal soo saaray kulanka kadib.
Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan xaaladda dalka gaar ahaan howlaha kala duwan oo uu maamulka gobolka Banaadir iyo dowlada hoose Xamar ka wado Caasimadda, iyo sidoo kale mashaariicda kala duwan ee la fuliyay.
Rooble ayaa maalmahaan waday kulan iyo kormeer uu la qaadanaya masuuliyinta iyo xaruumaha ay ka socdaan shaqada dowladda.