Muxuu Safarka MW Xasan Sheekh ka bedeli karaa xiriirka mugdiga ku jira ee labada dal?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ugu billaabatay dalka aan dariska nahay ee Itoobiya, taas oo dhammeystir u ah socdaalka uu ku maray dhammaan dalalka Gobolka ee Soomaali heshiis la ah dariskeeda.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Bole. Labada Mas’uul ayaa wada hadalo ku yeelanaya Addis Ababa, iyagoo uga hadlaya xiriirka labada dal, iskaashiga amniga iyo danaha ay wadaagaan.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Addis Ababa ayaa meesha ka saari doonta mugdi ku jiray sida uu ahaanayo xiriirka labada dal, wixii ka dambeeyay doorashadii 15 May ee Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo Maamulka Abiy uu xiriir dhow la lahaa Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in dalalka Gobolku ay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan la dagaalanka Al-shabaab oo caqabad ku ah xasilloonida iyo nolasha shucuubta geeska Afrika, horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo wax-wada qabsiga