Muxuu salka ku hayaa khilaafka ka dhex taagaan wasiiradda xilalka loo kala bedeley?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Xamsa Saciid Xamsa ayaa bogga wasaaradda soo dhigay farriin uu ku sheegay in hoyga Ra’iisul Wasaaraha uu kula kulmay Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Arrimaha Gargaarka iypo Bini-aadamnimada.

Wuxuu Wasiir Xamsa sheegay: “Waxaan caawa hoyga Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble kula kulmay wasiir Khadiija M. Diiriye, oo aan iscafinay, si wada jir ahna uga heshiinay wixii horey u dhacay”.

Balse wasiir Khadiija oo boggeeda gaarka ah ee Facebook uga falcelisay arrintaas waxay tilmaamtay in ay aqbashay raali gelin.

“Madaxdeyda Qaranka kama weyni, Raalli-gelina waa qaadasho. Walaalkey Hon Xamse cafis baad iga tahay Aboow,” ayey tiri.

Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in Golaha Wasiirada ay leeyihiin xeer hoosaad la xiriira borotokoolka iyo hab-dhaqanka xubnaha ka tirsan.

“Wuxuu xeer hoosaadka taabanayaa shirarka Golaha Wasiirada iyo sida loo hadlayo,” waxaana jiro qaabab loo xalliyo khilaafaadka ka dhaca bannaanka shaqada.

Cabdiraxmaan Daahir wuxuu yiri: “Maadaama ay shaqo tahay waxa isu keena dadka, waa caadi in la kala aragti duwanaado.”

Balse marka khilaafka uu yahay mid ka dhaca gudaha shirarka Golaha Wasiirada “qaabka xallinta wuxuu yahay in uu Ra’iidul Wasaaraha uu soo kala dhexgalo, xubnaha kale ee wasiiradana kala raacaan aragtiyada.”

Haddii khilaafka uu yahay mid bannaanka ah “waa wax ka baxsan arrinta golaha wasiirada” in baraha bulshada iyo warbaahinta hadallo kulul ay isku dhaafsadan wasiirro).

“Qofka waxaa looga baahan yahay in uu noqdo tusaale uuna ilaaliyo maqaamka uu matalayo”, ayuu ku taliyay wasiirkii hore ee Waxbarashada.

Haddii khilaafka uu yahay mid ka dhacay bannaanka Golaha Wasiirada, wuxuu Cabdiraxmaan sheegay in arrintaas mararka qaar laga eegi karo dhanka anshaxa, waxaana sidaa ku soo faragelin kara qofka iyaga ka sarreeya ee ay hoostagaan.

“Haddii ay tahay wax ku saabsan shaqo, waxaa haboon in lagu xalliyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha; waa haddii iyaga dhexdooda ay xallin waayaan. Haddii arrin shaqo laga dhigo mid shaqsiyadeed, oo ay ku dagaallamaan howshii, waa nasiib darro taas”, ayuu yiri.

Khilaafka waxaa qeyb ka noqday sida la isugu wareejiyay wasaaradaha iyo agabkii ay ku howlgalayeen.

“Khalad haddii uu dhaco oo ku saabsan sida wasaaradaha la isugu wareejiyo, waa in markiiba la saxo,” ayuu yiri.