Muxuu shirarkii hore kaga bedelan yahay shirka golaha wadatashiga qaran ee Rooble cilaamiyey?

shirka golaha wadatashiga qaran ee Rooble cilaamiyey?
shirka golaha wadatashiga qaran ee Rooble cilaamiyey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa lagu wadaa in kulan ay yeesheen golaha wadatashiga qaranka, kaasi oo la filayay in looga hadlo hanaanka ay ku bilaabatay doorashada golaha shacabka ee Baarlaamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa la filayaa inuu kulan deg deg ah la qaato madaxda dowlad goboleedyada, si uu kala hadlo cabashooyin ka imaanaya qaabka ay bilaabatay doorashada golaha shacabka iyo Boobka lagu hayo qaar ka mid ah kuraasta golaha shacabka ah.

Talaabadan ayaa ka dambeysay, kadib markii Midowga Musharaxiinta ay walaac weyn ka muujiyeen daahfurnaan la’aanta ka jirta doorashooyinka dalka ka soconaya iyo sida aaney raali uga noqon karin habka ay haataan wax u socdaan.

Walaac xoog leh ayaa haatan laga muujinayaa sida ay ku bilaabatay doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.