Muxuu Shirkan Kaga Duwan Yahay Shirarkii Hore?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Teendhada Afisiyooni waxaa Maanta ka furmay  Shirka Madasha wadatashiga Arriimaha doorashooyinka dalka.

Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa goobjoog ka ah, Madaxweynayaasha, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle, Jubbaland, Puntland iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Shirkaan ayaa aad uga duwan marka loogo shirarkii hore, sababto ah wuxuu imaanayaa kadib dagaalo iyo khilaaf ka dhacay Muqdisho, taasoo sababtay in shirarkii hore laysku fahmi waayay.

Siyaasiyiinta, musharaxiinta iyo Bulshadda intee kale ayaa aad usoo dhaweeyey in Ra’iisul wasaare Rooble uu hogaamiyo shirka, sidoo kale Beesha caalamka ayaa soo dhaweeysay shirkaan, waxaana la filayaa inay ka soo baxdo natiijo lagu wada qanacsan yahay.