Muxuu Xasan Cali Kheyre uga aamusan yahay kiiska Ikraan Tahliil?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Muxuu uga aamusay arinta ikraan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo sidoo kale ka mid ah Murashaxiinta Muacaaradka ayaa ah siyaasiga kaliya ee aan ilaa hadda ka hadlin kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo dilkeeda lagu tuhmayo hay’ada sirdoonka Soomaaliya.

Su’aalo badan ayaa ka dhashay sababta uu ugu aamusay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kiiska Ikaan Tahliil oo hadda ah waxa ugu weyn ee dhaxyaala hogaamiyaasha Soomaalida, sidoo kalane ah warka ugu weyn ee maalmahaan ka jira Soomaaliya.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa qaba in sababta uu Kheyre uga aamusay kiiska Ikraan ay tahay hal qodob, oo ah qaladaad kiiskan la mid ah oo ka dhacay xukuumadiisa.

Kheyrre intii uu joogay xafiiska waxaa la dhiibay Qalbi Dhagax, waxaana la weeraray dad shacab ah oo ku sugnaa Baydhaba kadibna la xasuuqay. Waxaa sidoo kale jira weerarkii culimada Ahlu-Sunna, weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, weerarkii Cabdiqaybdiid, iyo kuwa kale oo ka dhan ahaa shacab iyo siyaasiyiin.