Muxuu yahay abaabulka Mooshin maanta ka socda Garowe?

GAROWE-AYAAMAHA-Waxaa maanta Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ka socdo abaabulka mooshin lagu burinayo wax-ka beddelkii xeer-hoosaadka ee Baarlamanka Puntland ansixiyay Kal-fadhigii hore.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa  sheegay in uu soo noqday abaabul hoose oo ku saabsan in Kal-fadhiga soo socda lagu buriyo wax-ka beddelkii Xeer-hoosaadka Baarlamanka.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Deni uu guddoonka Baarlamanka ka codsaday in hal maalin lagu daro wakhtiga furitaanka Kalfadhiga oo ku beegan 25-ka bishan October 2021.

Wax-ka beddelkii Xeer-hoosaadka ee lagu ansixiyay Kal-fadhigii hore waxa ku jiray qodoba muran dhaliyay oo uu kamid yahay in guddoonka iyo xildhibaannada lagu ridi karo 44 cod.