Muxuu yahay Ajandaha 1-aad ee Ra’iisul Wasaare Xamse?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo  xilkiisa si rasmi ah ula wareegay, ayaa ku dhawaaqay inay dowladda Soomaaliya galayso dagaal ay isaga xoreynayso cadowgeeda Alshabaab.

Raysal wasaaraha ayaa caddeeyay in ajendaha koowaad ee xukuumadiisu uu yahay xaqiijinta amniga, si buu yiri loo gaaro amni sugan oo dadka Soomaaliyeed looga saari karo dhibaatooyinka ay ku jiraan oo abaaruhu ugu horeeyaan.

“Wax kale lagama shaqeyn karo, haddii aan nabad galyo la helin. Meeshaas weeye meesha bugta Soomaaliya, xalkana u baahan waa meeshaas. Innagoo isku tashanayna oo heshiis ah, waxaa laga maarmaan ah in aan u dhaqaaqno sidii aan dalka u xorayn lahayn,” ayuu yiri raysal wasaaruhu.

Raysal wasaare Xamse wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay in dadka Soomaaliyeed ay ka badbaadin doonaan amni xumada, dalkana uu gaaridoono xoriyad looga shaqeeyo horumarkiisa.

Hadalkaan ayaa qeyb ka ah khudbad uu raysal wasaaruhu ka jeediyay xafladdii uu galabta xilka kula wareegay, isagoo raysal wasaarihii uu xilka kala wareegay Rooble ku tilmaamay inuu yahay geesi dalka ka badbaadiyay inuu meel xun ka dhaco..