Muxuu Yahay Amarka Cusub Ee Ra’iisul Wasaare Rooble Duldhigay Golihiisa Wasiiradda?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amar cusub oo ku socda dhammaan Wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Rooble kuna taariikheysan 26-kii bishan ayaa waxaa Wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda lagu faray in aanay gaari karin lana shaacin karin go’aan cusub oo aan ogolaansho looga helin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale Warqada ayaa waxaa lagu sheegay in Go’aakaan uu fududeynayo wadashaqeynta, isla-xisaabtanka laamaha amniga dowladda iyo in aan la qaadan go’aan saameyn siyaasadeed ku yeelan kara dalka, xiligaan lagu kala guurka.

Arrintan ayaa waxay muujineysa in Wasiirada Wasaaradaha Xukuumadda aanay wax magacaabis ama dano kale oo shaqsi u adeegsan awoodahooda inta lagu guda jiro xilliga kala guurka, iyadoo horay loo bartay in marka olole doorasho jirto in Wasiirada qaar sameeyaan magacaabis xilal.