Muxuu yahay amarka la duldhigay Wasiir Beyle iyo Ha’adaha kale ee Maaliyadda?

Rooble iyo Hay'adaha Maaliyada dalka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble oo ka duulaya waajibaadkiisa korjoogeynta, la xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda ayaa kulan la yeeshay hay’adaha maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud.

Kulankan ayaa looga hadlay daah furnaanta nidaamka maamulka iyo maaliyadda, joogteynta mushaarka shaqaalaha dowladda, ciidanka iyo kharashaadka wasaaradaha iyo hey’addaha kale ee dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasiirka Maaliyadda in lala socodsiiyo hubinta kharash-bixinta iyo lacagta hey’adda IMF qoondada dowladda Federaalka, isla markaana iyadoo aan ogolaansho laga heysan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha aan la bixin karin lacag.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya qoraal uu soo saaray uu ku amray in khasnadda dowladda aan wax lacag ah kaga bixin karin.

Xiliyadda kala guurka ayaa intabadan Soomaaliya waxaa ka dhacda in lacagaha dowladda loo adeegsado dano gaar ah, iyadoo taas bedelkeeda shaqaalaha dowladda ay waayeyaan mushaaraadkooda ayaa waxaa uu Rooble adkeeyey inaysan taas dhicin.

Rooble iyo Hay’adaha Maaliyada dalka