Muxuu yahay Baaqa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor u diray Beesha Caalamka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magaalada Muqdishu kula la qaatay Danjiraha dowladda Ingiriiska iyo Danjire xigeenka dowladda Mareykanka ee fadhigoodu yahay Caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha iyo diblomaasiyaantaan ayaa ka wada hadlay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha baaxadda leh ee saameeyay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna xaaladaha Bini’aadanimo ee ka dhashay saameynta abaaruhu u geysteen dadka iyo deegaanka Galmudug.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa baaq u gudbiyay guud ahaan Beesha Caalamka, kaas oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha saameeynta ku yeeshay qoysas farabadan oo danyar ah.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka jira abaaro baahsan iyo biyo la’aan, iyadoona ay Abaarta darteed u geeriyoodeen dhowr qof oo kamid ahaa dadka deegaanka Goboladaas.