Muxuu yahay codka sirta ah ee “laga duubay Abiy Axmed”?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka hadlay cod uu muuqday in laga soo duubay Abiy Axmed oo sheegayay in geeri uu ka xigo in uu xilka wareeriyo.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in codkaas uu been yahay.

Codka ayaa waxaa daabacday shirkad fadhigeedu yahay Mareykanka oo la yiraahdo Kello Media – taas oo sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha laga soo duubay codka xilli uu ka qeybgalayay shir ay lahaayeen xubnaha xisbiga haya talada Itoobiya ee PP.

Codka oo u muuqday in laga soo duubay Abiy Axmed ayaa u dhignaa sidatan, “Waxaan idiin sheegayaa in wax shaki ah uusan ku jirin- in aan ku guuleysannay doorashada”

“Ma jirto cid awood u yeelan karta in dowlad ay soo dhisto 10-ka sano ee soo socota, geeri ayaana ka xigaa intii aan xilka wareejin lahaa” waxaana codka laga maqlayay sawaxan iyo sacab.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in codka uu yahay mid laisugu kan keenay iyadoo la adeegsanayo codad kala duwan.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in codkaas uu yahay waxbo kama jiraan.

“Codka loo maleynayo in laga soo duubay Ra’iisul Wasaaraha xilli uu ku sugnaa shirka xisbiga haya talada toddobaadkii lasoo dhaafay, codkaas waa mid been ah oo laisu geeyay, waxaana laga soo qaatay codad kala duwan oo kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha, isbaddalo badan ayaa lagu sameeyay si looga dhigo hal cod” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska Abiy.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay “inay ka feejignaadaan wararka marinhabaabinta ah ee ku saabsan ololaha noocan ah”