Muxuu yahay “codsiga” Farmaajo ee diiday Ra’iisul wasaare Rooble?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xog laga helay Villa Somalia ayaa sheegaysa in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu codsaday in uu ka qeybgalo shirka la filayo in uu ka qabsoomo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Farmaajo ayaa Rooble u sheegay inuu daneynayo in uu ka qeybgalo shirka Muqdisho ka socda si uu ula dardaarmo madaxda maamullada iyo mas’uuliyiinta kale ee ka qeybgalaya.

Sidoo kale farmaajo ayaa doonaayey in niyad-wanaag iyo is-cafis la sameeyo kahor doorashada dalka, si rajada shacabka sare loogu qaado balse Rooble ka biya-diiday dalabkaas.

Rooble ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in ka qeybgalkiisa shirka ay abuuri karta xasarad siyaasadeed oo cusub, islamarkaana uu dhalan karo khilaaf siyaasadeed oo markale saameeya doorashada Soomaaliya oo hada ah mid degan oo lagu wada qanacsan yahay.

Ugu dambeyn Farmaajo ayaa ku qancay soo jeedintii Ra’iisul Wasaaraha,waxaana la sheegay in uusan ka qeyb-geli doonin balse waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Madaxweynaha u ballan qaaday in uu la kulansiin doono Maamul Gobaleedyada dalka oo intooada diidan Madaxweyne Farmaaajo.