Muxuu Yahay “Codsiga” Musharaxiinta Madaxweynaha Ay U Gudbiyeen Urrurada Bulshada Rayidka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Midowga Musharixiinta u taagan qabashada Madaxweynaha ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiyaha Urrurada Bulshada Rayidka Cismaan Tahliil Shaatax.

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, siiba muranka ka taagan guddiyadeeda.

Waxa ay musharraxiinta mucaaradka ay kulankooda ku soo qaadi doonaan xaaladihii u dambeeyey ee soo kordhay, gaar ahaan dibad-baxyadii ka dhacay Muqdisho.

Musharaxiinta iyo Urrurada Bulshada Rayidka ayaa ka wadab hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan qabashada caqabadaha weli ku hor gudban doorashada ka dhaceysa iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in hoggaanka Urrurada Bulshada ay Musharixiinta ka codsadeen in ay dhex dhexaadin ka sameeyaan caqabadaha arimaha doorashooyika ee taagan.

Sheekh Shariif ayaa tilmaamay inay soo dhaweynayaan doorka dhex dhexaadint Urrurada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ka qaadanayaan sidii xalin lahaa caqabadaha heysta doorashada.

Guddoomiye Tahliil Shaatax ayaa sheegay in kulankan uu bilow u yahay dhex dhexaadin ay ka galayaan caqabaha jira iyo arrimaha lagu muransan yahay ee Guddiga doorashooyinka.

Midowga Musharraxiinta ayaa si weyn uga biyo diidan hannaanka ay dowladda dhexe ee federaalka ku wajaheyso doorooshooyinka dalka oo uu dib u dhac weyn ka muuqdo.

Shirkan ayaa ku soo aadaya, iyada IGAD ay ku baaqday in xal waara laga gaaro arrimaha doorashooyinka, si looga baaqsado qalalaase siyaasadeed oo hor leh.