Muxuu yahay eedeysanaha baxsadka ahaa ee Booliska gacanta ku dhigeen?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay  gacanta kusoo dhigeen nin dhawaan xaaskiisa ku dilay degmada Warta nabada ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sadiiq doodishu ayaa sheegay in ninkaan maalmihii lasoo dhaafay lagu daba jiray ugu dambeyntiina gacanta lagu dhigay.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa hada gacanta ku haya eedeysane Bashiir Cabdi Xasan, oo horay xaaskiisii Salaado Faarax Cali  ugu dilay Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir 4tii- June- 2021”ayuu yiri Saadiiq Aadan Cali

Waxaa uu intaasi kusii daray “Eedeysanaha oo aan horay u baahinay in lagu magacaabo Bashiir Cali Jaamac. laakiin, aan ogaanay in  magaciisa runta ah uu yahay Bashiir Cabdi Xasan, eedeysanuhu wuxuu wajahidoonaa Cadaalada, hadii alle idmo”