Muxuu yahay gantaalka aysan isha qaban karin ee Ruushka uu tijaabiyay?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ruushka ayaa shalay ku guuleystay tijaabinta hub lagu magacaabo Zircon ee sida aadka ah u dheereeya kaas oo ay ciidamada badda ka ganeen gudaha markab gujis ah, sida ay sheegeen militariga dalkaas.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa oo amaanay hubkan casriga ah wuxuu ugu magac daray ‘il-ma-qabato’.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in markaba gujiska ee Nukliyeerka (Severodvinsk) laga tuuray labo gantaal oo ah nooca Zircon, ayna ku dhaceen badda Barents.

Madaxweynaha Ruushka, Putin, ayaa sheegay in hubkan uu 9 jeer ka dheereeyo guuxaha diyaaradaha uuna jari karo masaafo gaareysa 1,000 Km.

Wuxuu sidoo kale Putin tilmaamay in tijaabinta hubkan uu ka qeybqaadan doono xoojinta awoodda militari dalkiisa.

Saraakiisha Ruushka waxay sheegeen in tijaabada hubka Zircon la soo gabagabeyn doono dabayqaada sannadkan, halka sannadka soo socda ee 2022 ay si buuxda ula wareegi doono ciidamada badda ee Ruushka.

Hubkan ayaa ka mid ah dedaallada Ruushka uu sare ugu qaadayo awooddiisa militari, wuxuuna ka mid yahay hubka aadka u dheereeya ee uu sameysanayo Ruushka.

Horraantii sannadkan ayay aheyd markii uu Ruushka soo saarey gantaal cusub oo aan la arki karin, sida laga soo xigtay Madaxweyne Vladimir Putin.

Mudane Putin ayaa sameeyey shaacinta gantaalkan casriga ah, ka dib markii uu aasaaska u dhigay yoolal siyaasadeed, isagoo markii afraad uu tartamaya xilka madaxweynaha.