Muxuu yahay go’aan laga sugayo Madaxweyne Xasan Sheekh Kadib weerarka Hotel Hayat?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Weerarka Ururka Al Shabaab ku qaadeen Hotel Hayat Ee Magaalada Muqdisho ayaa ah mid saameyn gaar ah ku leh Dawlada Cusub Ee 100 maalin weli gaarin inta ay dalka ka jirto.

Abaabulka weerarkaasi iyo falsafada uu ku dhacay waxay muujineysaa in muddo laga shaqeenayey,waxaana sanado la arkin weerar la mid ah midka xalay ilaa maanta qaatay oo ciidamada amniga ku guuleysan la’yihiin inay soo afjaraan.

Saraakiisha ciidamada Dawlada oo weli haya xilalka ayaa waxay gaabiyeen howshii sugida nabad gelyada iyagoo sugaya in xilka laga qaado sidaas awgeedna xil badan iskama saarayaan howshii laga sugayey.

Tallaabo nuucee ah ayuu qaadi doonaa madaxweyne xasan sheekh maxamuud si isbadel deg deg ah Amniga loogu sameeyo,xilli shabaab ay xoojiyeen weerarada ay ka fulinayaan gobollada dalka.

Ilo ku dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay sheegeen inuu hadda ku qasbanaaday inuu meesha dhaafiyo taliyeyaasha ciidamada amniga ku magacaaban xilligaan islamarkaana shakhsiyaad kale la magacaabo.

Taliyaha Booliska General Xijaar, Taliyaha Qeybta Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, Taliyaha Meliteriga General Odawaa iyo saraakiil kale ayey qaadi doontaa seefta xilka xayuubinta ah.

Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya dhinaca Amniga Xuseen Damuumaaye ayaa soo jeediyey in la bedelo saraakiisha Amniga islamarkaana dhiig cusub lasoo magacaabo amniga caasimadana gacan bir ah ku qabta.