Muxuu yahay go’aanka lama filaanka ah ee uu Ruushka ka qaatay dagaalka Ukraine?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ukraine ayaa sheegtay inay si taxadar leh uga fiirsanayso go’aan si lama filaan ah uu u shaaciyay Ruushka oo ah inuu ciidamadiisa kala bixi doono deegaanno ay kamid tahay magaalada muhiimka ah ee Kherson.

Deegaannadaas ayaa kamid ah kuwo uu dhawaan Madaxweyne Putin ku daray Ruushka.

Lataliyaha Madaxweynaha Ukraine, Mykhailo Podolyak ayaa shegay in aanay jirin astaamo muujinaya in ciidamada Ruushka ay magaalada Kherson uga bixi doonaan si nabad ah.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada dalkiisa ay sii wadi doonaan duullaanka ay ku saarayaan Ruushka, isla markaana ay xeeladahooda dagaal ku salayn doonaan xogta ay ka helaan sirdooonka, oo aanay ku dagmi doonin waxa uu ku tilmaamay hadallo laga jeediyay telefishinka.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay soo baxay ifafaalo muujinaysa in Ruushka uu ciidamadiisa kala bixi doono aaggaas oo noqday mid si joogta ah loogu beegsado, isla markaana ay adag tahay inuu gaarsiiyo saad milateri.

Waxaa jiray warar sheegaya in maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada Ruushka calanka dalkooda ka dejiyeen dhismayaasha magaalada Kherson, isla markaana ay burburiyeen buundooyin ku yaalla agagaarka magaaladaas.

Kadib kulan si toos ah looga tebinayay telefishinka oo dhexmaray wasiirka gaashaandhigga ee Ruushka iyo taliyaha ciidamada dalkaas kaga sugan Ukraine, ayaa Gen Sergei Surovikin waxa uu shaaciyay go’aanka ah in ciidamada laga saaro aaggaas, isagoo ku tilmaamay mid si dhib badan lagu gaaray.

“Waxaan soo jeediyay in aan difaaca ka xiranno daanta bidix ee webiga Dnipro. Waan ogahay inuu yahay go’aan adag, balse waxaan ku badbaadin karnaa noolasha askarteena iyo ujeedada guud ee dagaalka. Waxaa ii muuqata inay khatar badan tahay in ciidamadeena ay ku sugnaadaan daanta midig ee webiga. Go’aankan ayaa noo saamixi doona inaan helno ciidamo dheeraad ah oo ka dagaallami kara aagga kale ee uu ka socdo hawlgalka milateri,” ayuu yiri taliyaha.

Go’aankan ayaa loo arkaa mid weji gabax ku ah Ruushka, gaar ahaan aqalka dalkaas looga arrimiyo ee Kremlin.

Magaalada Kherson ayaa ahayd tan ugu weyn ee uu sida buuxda gacanta ugu hayay Ruushka tan iyo markii uu billaabay duullaanka dhammaadkii bishii February.

Khubarada ayaa tilmaamay in qaadashada go’aankan muhiimka ah loo ekaysiiyay mid u gaar ah jananada dagaalka hogaaminaya, oo aan waxba ka ogeyn Madaxweyne Putin.