Muxuu yahay go’aanka Midowga Musharraxiinta ee Jadwalka Guddiga doorashooyinka ay soo saareen?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Midowga Musharraxiinta ayaa soo dhowaynayay jadwalka dhammaystirka doorashooyinka 2020/22 ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT).

Goluhu wuxuu caddayay in kaalinta Dawlad Gobolleedyada ay ku eg tahay fududeynta doorashooyinka ee deegannadooda.

Hoos ka akhriso.

Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu soo dhowaynayaa jadwalka dhammaystirka doorashooyinka 2020/22 ee ay soo
saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT). Goluhu, wuxuu caddaynayaa, in dibudhac iyo daah sanad ka badan ee doorashooyinka dalka, ay sababtay firaaq dastuuri ah iyo halis ku timaadda sharciyada iyo jiritaanka hay’adaha dastuuriga ah.

Goluhu wuxuu adkaynayaa in la dhowro qodobka 66-aad ee dastuurka, lana raaco soo-jireenkii doorashooyinka 2016/17 ee
ku aadan masuuliyada GHDHF ee la xariira waqtiyeynta dhamaystirka hawlaha doorashooyinka.

Goluhu wuxuu caddaynayaa, in kaalinta Dawlad Gobolleedyada ay ku eg tahay fududeynta doorashooyinka ee deegannadooda.

Wuxuuna Goluhu ugu baaqayaa in ay faraha kala baxaan hawlaha GHDHF. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed,
Xukuumadda iyo beesha caalamka in ay gacan ku siiyaan GHDHF, meelna looga soo wada jeesto cid walba oo isku dayaysa carqaladaynta dhammaystirka hawlaha doorashada.