Muxuu yahay guddi Dowladda Soomaaliya u direysa dalka Libya?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, dowladda federaalka ayaa guddi u direysa dalka Libya, guddigaas ayaa la sheegay inay warbixin ka keeni doonaan xaaladda nololeed ee Soomaalida ku sugan dalkaas.

Madaxweynae Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaha dalka Libya Maxamed Yuunis Al-menfi oo kuwada sugan dalka Turkiga ayaa yeeshay kulan-doceed looga hadlaayey arrimaha Soomaalida ku sugan dalkaas.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u diraysa guddi gaar ah xaaladda muwaadiniinta ku xiran Dalka Liibiya. Guddiga ayaa u kuurgali doona, kana soo war-bixin doona xaaladda nololeed oo ay ku sugan yihiiin Muwaadiniinteennu,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay madaxtiooyada Soomaaliya.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu shaciyey in labada madaxweyne waxay diiradda saareen sidii labada dal ay uga wada shaqayn lahaayeen iskaashiga dhinacyada isu socodka, amniga iyo siyaasadda.

“Madaxweynaha ayaa kala hadlay Madaxweynaha Liibiya sidii uu gacan uga gaysan lahaa xorriyad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Liibiya, iyaga oo Labada dhan ay isla garteen sidii looga wada shaqayn lahaa badqabka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Dalka Liibiya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Soomaalida badan ayaa lagu dhibaateeyey dalka Liibiya qaarna ay noloshooda ku waayeen, iyagoo kasii gubaya dalkaas oo u socda dalalka Yuruf, iyagoo raadsanayaa nolol ka duwan midda Soomaalida loogu noolyahay.